| |
|
|
Maqaal |
Mowqifkii Sheekh Shariif
ee Shalay Maxaa Maanta Iska Bedalay?
Isniin
24 Shacbaan 1429 =25/08/2008
Shariifka waxaa hore looga hayaa in uu yiri "Kooxda Impghati
iyo ashahaado la dirirka lama fariisanayno maxaa yeelay waxaan noqonaynaa
dambiilayaal iyagoo kale ah hadii aysan towbad keenin" maantana
Jabuuti ayuu la fariistay isagoo yiri "waxaan la saxiixanay
heshiisyo Dowladda FKMG"
Shariifku wuxuu Iclaamiyay dagaal Jihaad ah oo ka dhan ah cadowga
kusoo duulay diinteena iyo dalkeena maantana wuxuu yiri "waxaan
saxiixnay xabad joojin ee hala qaato" waa yaabe ma waxaa laga
xoreeyay Dalka gaaladii kusoo duushay mise iskood ayay uga bexeen.
Shariifku wuxuu yiri heshiiska aan galnay wuxuu lamid yahay sulxul
xudaybiya waa yaabe nabigu SCW Heshiiska ma wuxuu la galay Islaam,
Gaalo mise Munaafiqiin? Sahariifku wuxuu yiri "wixii kasoo
horjeesta heshiiskan Beri ayaan ka noqonaynaa" waaba kaba darane
maxaa helay Shariifka oo halkuu ka keenay in uu Beri ka noqdo qof
Muslim ah gaalana ay kusoo duushay oo Jihaad ku jira.
Waxaa kale oo Heshiiska ku jira in Gaaladan Tigreega ah ee soo duulay
lagu badalo gaalo kale oo ka xoog weyn iskuna hadaf yihiin, hadaba
maxay ku kala duwan yihiin? wuxuu Shariifku intaa raaciyay "waxaan
iri hala dagaalamo waa layga yeelay markaan iri hala Joojiyo maxaa
lagu diiday" Hadaba ma waxaa meesha ka baxay wixii laga dagaalamay?
jawaabtu waa Maya....
Shariifku waxaa kale uu yiri "hadii aan ciidamo shisheeye la
helin waxaa dhacaya dagaalo sokeeye" Shariifku ma wuxuu iloobay
lixdii bilood ee dahabiga aheyd nabadii la helay markii ay Umaddu
hirgalisay ku dhaqanka Shareecada Islaamka, iyadoo aan garab laga
helin ciidamo shisheeye, hadaba Shariifka waxaan leeyahay hadii
ciidamo shisheeye nabad ay keenayaan ma aysan burburiyeen nabadii
ay xoogaga Islaamku dhaliyeen.
Iyadoo aan ogsoonahay in ay jiraan caqabado waaweyn ayuu shariifku
sheegay in dib u heshiisiin las amaynayo, caqabadahaasna waxay kala
yihiin.
1.Dalka oo wali gumaysi ku jira.
2.Faragalintii shisheeyaha oo wali socota.
3.Dagaal oogayaashii dambiyada dalka iyo dadka ka galay oo wali
horboodaya siyaasada dalka.
4.Iyadoo wali ay shisheeyuhu hogaanka u hayaan shirarka dib-
uheshiisiinta gudaha dalkana aan loo ogolayn in lagu qabto.
Waa yaabe maxaa qaaday Shariifka ma cabsi ayaa waxaas oo dhan
ku xambaartay mise balanqaad dhaqaale iyo darajo ayuu helay, sikastooy
ahaataba waxaa iska cad in shariifku uu ka bayray wadadii uu sanad
iyo dhowr bilood kahor ku hogaaminayay Maxaakiimta Islaamiga ah
iyadoo markii horeba ay dadbadani ka xumaayeen midowga ay la midoobeen
xubnihii ka tirsanaa baarlamaan kusheegii Imbaghati, hadaba waxaan
lee yahay shariifku ha kasoo noqdo wadadaas qaldan, mujaahidiinta
gudahana waxaan leeyahay siiwada Jihaadka barakaysan haday gaalo
idin nacdo ilaahay ayaa idin jecele.
W.Q. C/salaam Cismaan Faarax
|
|
|
|